Degmada Afgooye Ee gobolka Shabellaha Hoose uu gaarey Wefdi isugu jira Wasiiro Xidhbaano oo horkacaayo Waasiirka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Inj. Saalax Sheekh Cismaan Muuse, kuwoosoo u u kuur Galayey Xaalada Degmada.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sheballaha hoose C/qani Yuusuf Axmed oo wareysi siyey Wadani News Online, ayaa sheegey in wefdi ay u kuur galin doona Xalaada Bini’aadanimo,Amaanka iyo dibu dhisyo lagu sameyn doono Labada buundo ee Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha hoose.
Gudoomiyaha Ayaa sheegey in Dhawaan Dhalanyarada Magaalada iyo Maamulka Degmada Afooye ay u qarooneen Wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ku aadan in wax laga qabto jid jidka burbursan iyo labada buundo ee Mara Ee Degmadaasi, waxaana uu sheegey in durba wasiirka uu ku soo jawaabey, isagoona rag qiimeyn ku sameeyo u soo direy.
Halkan Ka Dhageyso
Gudoomiyaha Afgooye Shabeelada Hoose