iyadoo xaalada Magaalada Marka Ee Gobolka Sh/Hoose marba Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab gacan ku henteeda ay ku loolamayaan ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadlay Maamulka K/Galbeed.
Wasiirka Amniga Maamulka K/Galbeed C/Fataax Maxamed Ibraahim Geeseey ayaa waxaa uu sheegay in ay arintaa Masuul Katahay Dowlada Federaalka .
Waxaa uu sheegay wasiirka in maamul ahaa ay u hoostimaado laakiin siyaasad ahaan ay hoostagto Dowlada,Markana ay u baabasan tahay Arimo Siyaasadeed.
Geeseey waxaa uu xaqiijiyey in Marka ay ku hareeresan yihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-Shabaab Wax ay ka qaban karaana aysan jirin.