Ilyaas Sheekh Cumar oo ah siihayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar oo warbixin kasiiyay Radio Muqdisho, wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
Iliyaas Sheekh Cumar ayaa sheegey in baaritaan muddo dheer qaatay oo lagu sameeyeen dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed uu weli socdo laguna tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dilkaas dad ay qaraabo yihin welina qaraabo hoose, ayna wada dagnaayeen guri ku yaala Xaafada Caashir ee “Madiinatal Nasar”.
Safaarada Soomaliya ee dalkaasi masar ayaa ka codsaneysa heleda ninka ka geeriyooday in ay fasaxaan meydka wiilka geeriyooday si loo aaso sacadaha nagu soo foodleh. waa hadii ay fasaxaan ehelada wiilka geeriyooday.
baaritaano dheer kadib ayaa la ogaaday dadbadan oo sheeganayay in ay ahayeen ehelada wiilka geeriyooday balse ay waxbo isu aheyn. balse ay doonayeen kaliya in la baabi iyo dilka marxuumka iyo cidii kadambeysay falkaas ee foosha xumaa.
wiilka geeriyooday Adeerkiis oo kunool Soomaliya gaar ahaan magaalada Burco ayaa si toos ah ula soo xiriiray Safaaradda Soomaaliya kana dalbaday inaan lagu deg degin duugista meedkkaas ilaa la helo cida kadabeysay dilkaas
Wararka qaar ee lagu daabacay baraha internetka waa wax sal iyo raad toona laheyn.
ilaa hada wax walaal u ah ama ehelada darajada koowaad ama labaad ama sidaxad ama afaraad oo nooyimid majiraan.
Hadaba halkaan hoose ka dhageyso mas’uulka Safaarada Codkiisa.