Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaaliya oo la socda Wafdiga iyagoo kulamo la leh masuuliyiin ka tirsan mamulka koonfur Galbeed Somaaliya.
Ujeedada Wafdiga ee gudoomiyaha baarlamanka Somaaliya ee magalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in maalinta Isniinta ah uu ka furmi doono shirka Madasha Wada Tashiga Qaran kaas oo horay uga kala dhacay deegaanada Galmudug Puntland Jubbaland iyo Magalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay tagaan Baydhabo maanta illaa berri, si ay maalinta Isniinta uga qeyb galaan shirka Madasha oo si rasmi ah u furmi doona.
HALKA HOOSE KA DAAWO MUQAALKA
Warsan Radio Network, Warka Siidcali Muuse {Ateera} Baydhabo.