Jaaliyada soomaaliyeed ee Sweden ayaa Maanta Xarunta Dadka Dhimirka La’ Gaarsiiyey Deeq Daawo iyo raashiin iyagoo u soo wakiishey Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar.
Deeqdaas waxay ka koobneyd Bariis , Sonkor , Omo iyo Daawo , waxaan lagu wareejiyey Maamulaha Xarunta Dhimirka Dr. Gentelman isagoo mahad u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo Mar waliba Qayb libaax ka qaadato taakuleynta Dadka Dhibaateysan, waana Markii labaad oo si wanaagsan ay u soo gaarto Mucaawinada ay u sooo dhiibeeyn.
Tirada hada ku nool xarunta Dadka Dhimirka La’ ee magaalada Baydhabo waxay gaarayaan 48 Qofood oo isugu jira dhalinyaro laga keeney Deegaanada Baadiyaha iyo kuwo ku noolaa Wadooyinka Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii, Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Sweden ayaa sido kale waxay maalintii Ciida aheyd ee lasoo dhaafey dhar u qaybisey Agoomo gaareyso 350 caruur ah , kuwaasoo la ciideystey Soomaali inteeda kale .
Halkan Ka Daawo Vedio