Dowladda Kenya ayaa qabatay Rag Dhalinyaro ah kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin weerarkii habeen ka hor Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ay weerar Khasaare geystay ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaalo duleedka Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dhalinyarada u dhashay Dalka Kenya ayaa lagu qabtay Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Booliska iyo kuwa Militariga ee Dalka Kenya, waxana tiradooda lagu sheegay ila iyo 4 Dhalinyaro ah.
Saraakiisha Dalka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Raggan in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonaan, sidoo kalena lagu raad joogo Rag kale oo arintan ku lug leh.
Al-shabaab ayaa sheegtay dagaalkaasi ka dhacay Deegaanka Haamey oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya in ay ku dileen 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugnaa Saldhiga Ciidan ee weerarka uu ka dhacay.
Xoogaga Shabaab ayaa dhowr mar weeraro qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku laayeen askar badan oo ka tirsan Xukuumadda Nairobi.