Jowhar-(WRB)- Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamayay Cabdi Xuseen Geedi iyo Ismaaciil Maxamed Nuur, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Cabdi Xuseen Geedi oo helay 72 cod, halka Ismaaciil Maxamed Nuur uu helay 15 cod.
Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa u kala codeeyay labada Musharax, waxaana ugu dambeyn ku guulesyatay Cabdi Xuseen Geedi oo helay 15 cod.
Gudoomiye ku xiogeenka koowaad cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa loo dhaariyay xilkan, waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan u gudan doono shaqadiisa.