Baydhabo(WRN)Baarlamaanka koonfur Galbeed ayaa soo gaba gabeeyay Doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Dowlad Gobaleedkaas koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.
Xubnahaan la doortay ayaa waxaa ka mid ah 2-Dumar iyadoo inta kale ay yihiin rag.
Halkaan ka Akhriso Xubnaha Akhalka Sare ee Baydhabo lagu doortay.
Zamzam Ibraahim Cali
Timiro Maxamed Cali
Xuseen Sheekh Maxamuud
Aadan Cabdi Aadan
Ilyaas Cali Xasan
Cabdikaafi Macalin Xasan
Xuseen Cali Xaaji Cabdalla
Cabdulaahi Cabdi Gurun
Dowlad Gobaleedka Koofur galbeed ayaa noqonaya Dowlad gobaleedkii sadaxaad ee soo dhameystira Doorashada xubnaha Aqalka Sare.