Mudanaayasha baarlamaanka Puntland oo ay soo xaadireen in ka badan 50 Mudane waxaa shir Guddoominayay guddoomiyaha Barlamaanka PuntlandAxmed Cali Xaashi, waxaana Goob jog ahaa Guddiyadda doorashooyinka
dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland,Ururadda arrimaha bulshadda iyo Odoyaasha dhaqanka.
Mudanayaasha ayaa Dhagaystay Khudbadaha Musharaxiinta aqalka sare u matali doona Puntland kuwaasi oo maalinimada barito ah u qaadi doona codka aqlabiyada .
Musharixiintan aqalka sare ayaa ka horjeedinaya mudanayaasha baarlamanka Puntland khudbado ay ku akhrinayaan taariikhd nolaleedkooda iyo waxqabadkooda hadii xilkaan loo dorrto , waxaana ku jira 8 haween ah .
Madaxda Guddiyada ee heer federal iyo maamul Gobaleed ayaa hadalo kooban ka soo jeediyay shirka ka hor inta aysan bilaaban khudbadaha Musharaxiinta kala duwan .
Aqalka sare ee Baarlamaanka oo ah mid ku cusub siyaasada Soomaaliya ayaa ka kooban 54 xubnood oo ka kala imaan doono Maamul Goboleedyada ,Puntland waxay qayb ahaan u heshay 11 Xubnood.