Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Edward Katumba Wamala,ayaa sheegay in Ururka Midowga Yurub ay bixiyeen Mushaarka Ciidanka Uganda ee jooga Somaliya,kaas oo Ciidanka ka maqnaa 10 Bilood.
Wamala waxaa uu sheegay in Midowga Yurub ay $ 4.9Milyan oo dollar ku wareejisay Bangiga dhexe ee dalka Uganda taas oo ay Dowladda siin doonto Ciidankeeda ka tirsan Amisom.
Waxa ay sheegtay in lacagtaas oo ay Uganda ka heshay Midowga Afrika loogu sheegay in Midowga yurub ay bixiyeen islamarkaana Ciidanka Uganda lagu wareejiyo Bisha January ee Sanadka soo socda.
Hadalkan ayuu ka sheegay Xerada tababarka Ciidanka Uganda ee Nakaseke ee dalkaas ku taal halkaas oo uu tababar ugu soo xiray 2,745 Askari oo Todobaadka soo socda loo soo daabulayo Somaliya,waxaana ay beddeli doonaan Guutada UGABAG 17-aad ee uu dhamaaday waqtigeeda Somaliya oo ahaa hal Sano.
Dib u dhaca Mushaarka ayuu ku sheegay in ay mas’uul ka ahayd Dowladda Uganda oo dood adag ka gashay in la dhimo Mushaarka Askarigiiba oo ah $1028,halka Midwga Yurub ay doonayeen in ay ka dhigto $828 taas oo uu ku sheegay in ay Uganda diidday,kadibna ay labada dhinac saxiixdeen is afgarad cusub oo dhigaya in mushaarka la dhimo.
Waxaa uu Wamal meesha ka saaray in mushaaraadka soo daahay ay sabab u ahayd in Uganda ay ku hanjabto labixidda Ciidankeeda,waxaana uu taas ku tilmaamay waxba kama jiraan,isaga oo tusaale u soo qaatay in ay ka howlgalaan dalalka Afrikada dhexe iyo Koofurta Suudaan aysan lacag ku qaadan kana howlgalaan