WARSANRADIO}–Qoysas badan oo kasoo barakacay gobolka Bakool ayaa gaaray magaalada Baydho oo xarun KMG ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed.
Qoysaskan oo u badan haween iyo carruur ayaa waxaa ay maciin bideen in naftooda kula soo cararaan Baydhabo.
Maamulka gobolka Baay ayaa ku howlan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkaasi.
Tirada qoyska Maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay dhan yihiin 150 qoys.