Waa isu tag kashaqeeya taakulaynta dadka tabarta daran ee ay taabatay Abaaraha oo kasoobarakacaydeegaanadooda, kuwaasoohaysancunto, biyo, hooy iyo daawo ee duksaarka ku ah xerooyinka Barakacayaasha eek u yaala Duleedka Magaalada Baydhabo.
Isutaggaan waxaa uuuruuriyaa deeqaha ay soo dhiibaan walaalaha muxsiniinta ah ee jooga Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa, iyadoo marka ay soo gaarto deeqda isutagga uugaarsiiyo dadka tabaalaysan iyadoo marka la qaybinayo deeqda Walaalaha ay samaynayaan muuqaal videow ah kaa soo caddayn u ah sida isutagga ay u maamuleen Deeqdii ay u soo dhiibeen walaaha muxsiniinta ah eek ah. Damqaday dhibaatada abaaraha iyo cudarada haysta dakooda kunool gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada koofur Galbeed Soomaaliya.
Isutagga waxaa sameeyay wariyayaal katirsan Idaacadda warsan kuwaasoo u istaagay in ay soo uruuriyaan xogta kusaabsan saamaynta abaarta iyo baaxada ay l eedahay. Iyagoo u safray Gobolada Ba y iyo bakool si ay uga soo sameeyaan warbixino muujinaya dhibaatada abaarta inta ay la’egtahay iyo sida ay u taabatay Dadka iyo Duunyada.
Waxay wariyayaashan ugu istaageen arintan si iskood ah oo aysan cidna kusaacidaynin tasiilaadka Safarka mudada ay ku jireen kormeerka iyo indho indhaynta xaalada nololeedeed adka abaarta kuhaysato bay iyo bakool si ay indhaha Dadka Soomaaliyeed Iyo aduunyada ugu soojeediyaan dhibaatada dadkooda haysato kuwaasoo ay manta u yihiin indhiha iyo dhagaha.
Sidaasi dardeed waxay ku tala galeen wariyayaashan in ay tabiyaan baahida dadka dhiban ee abaarta haysato iyagoo magacooda iyo waqtigooda ugu raadinaya kaalmo dadka taasoo ay cidkasta oo ka damqaysa islamarkaana maqlaysa warkooda ay u soomarsiiso isutagga si ay u gaarsiiyaan walaalaha gurmadka u baahan ee aan indhaha laga qarsan Karin.
Haddaba sidaasdarteed waxaa uu isutaggaan soo gudbiniyaa in cid allaale iyo ciddii illaheey wax siiyay ee aragta fariintaan isutagga”. ITAALKAA TAR KUWA TABAALAYSAN.” Ay ugu deeqdo wixii ay karto iyadoo illaaheey ugu dhowaanayso, si loogu caawiyo walaalaha abaarta hayso ee manta cid u maqan jirin ee alle iyo anaga ahayn.
FADLAN KU CAAWI DADKA TABAALAYSAN EE ABAARTA HAYSATO ITAALKAA, ADOO U SOO MARSIINAYA CINWAANADA “ ISU TAGGA ITAALKAA TAR KUWA TABAALAYSAN”.
CINWAAN- TEL, +25265363799 AMA +25265157380
JECEELOW1991@HOTMAIL.COM
KULANKAWARSAN@GMAIL.COM