Arday tiradooda gaarayso lix boqol iyo konton arday oo dhamaystay koorsooyin kala duwan ayaa maanta lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin xarunta nolol bedelida ee loo soo gaabiyo(SBLO) ee Magaalada Baydhabo. Xarunta ay ku qalin jabinayeen Ardaydan waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan, wasiiro. Uruka haweenka Degmada, jaamacadaha, abwaano iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Aadan Macalin Shaati oo maaulka Xarunta SBLO ee magaalada ayaa ka hadlay waxqabadka xaruntan isagoo ka sheekeeyay Ardayda qalin jabinaysa waxyaabihii la baray.
https://www.youtube.com/watch?v=Zitlv_Onimc
Xaawo Sokor Cali oo ah Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo ayaa ka hadashay muhiimada waxbarashada u leedahay Bulshada, iyadoo si gaar ah u xustay Gabdhaha waxbarashadooda taasoo ay ku sheehtay in ay tahay mid aad u mudan in laga taageerom iyadoo intaas ku sii dartay in aad ugu faraxsantahat tira sii kordhaysa ee Gabdhaha goobaha waxbarashada iyo madashii maanta oo ay ku badnaayeen gabdhaha waxay ka tiri. Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Labada Abwaan ee kala Ah Maxamed Xasan Cusmaan Canjeex iyo Maxamuud Xaaji Maxamed Tarsh, iyadoo labada Abwaan ay goobta ka sheegay hadalo dadkii ka soo qayb galay Xaflada galisay dareen ku dheehan xamaasad waxbarasho iyo shuclad yaddadiilo iyo rajo hadaladoodiina waxaa ka mid ahaa. Cod Wasiir ku xigeenka waxbarashada Maamulka Koofur Galbeedf Soomaaliya Jabriil Maxamuud Aadan oo ka hadlay Xaflada ayaa u mahad celiyay Ururka SBLO isagoo sheegay in uu yahay ururka mid gacan saar la leh wasaarada waxbarashada isla markaana wada shaqayn dhow la leh wasaarada waxbarashada K.G. COD Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga M.K.G Cabdulaahi Cabdi Cumar oo isna xaflada kala hadlay ardaydii qalinjabinaysay ayaa xusay waxbarashada isagoo ku dheeraaday dadalka SBLO mudada yar ay dhisnayd iyo waxqabadkeeda. Cod Ardaydan gaaraysa lixda boqol iyo kontanka ayaa ah dufcadii nugu horaysay oo ka ka qalinjabisa Xarunta Tababarka Xirfadaha Ee SBLO ku waasoo xarunta ka tagaya iyagoo leh Xirfado ay ku Shaqaysan karaan oo ay ku soo saran karaan nolol maalmeedkooda Balse Shalay ahaa kuwo aan lahayn Xirfad iyo aqoon ay ku xamaashaan.