Dab aad u xooggan ayaa abaare 9-kii saac ee xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Waxaana dabkaasi lagu tilmaamay in uu yahay dabkii ugu Xooganaa ee ka kaca abid Suuqa Bakaaraha.
Dabkan ayaa ka kacay sida Maamulka Suuqa Bakaaraha ay sheegeen qeybta suuqa Al-khaliifa ee isla Suuqa Bakaaraha, Waxa uu ku faafay qeybta Maacuunta iyo Malabka ee Suuqa Bakaaraha iyo qeybo kale.
Dabkan ayaa waxa ka dhashay Khasaare hantiyadeed iyo sidoo kale Khasaare nafeed, Waxaana ku dhintay labo qof dad kalena waa ay ku dhaamacmeen.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah Shaqaalaha qeybta dab damiska gobolka Banaadir, Waxa sido kale halkaasi ku burburay dhismooyin ganacsi oo ku yaalla halka uu dabka ka kacay.
Fogaanta dabka uu ku faafay iyo saameynta fogaan ee uu geystay ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay dhowr boqol oo Mitter Square ah.
Gawaarida dab damiska iyo booyada biyaha oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay saacado ka dib in ay damiyaan dabkaasi.
Maamulka Degmada Howl Wadaag, Maamulka Suuqa Bakaaraha, iyo ganacsatada Suuqa oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan qaar ka mid ah hantidii goobta u dabka ka kacay taallay.
Dad badan ayaa ku kala aragti duwanaa sababta keentay in uu dabka kaco, Waxa dhaliyay balse C/weli Muumin Cabdi oo ah Madaxa Qeybta Gurmadka deg deg ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in dabka uu ka dhashay Koronto.
Ganacsatada Suuqa ayaa dabkaan ku tilmaamay in uu ahaa midkii ugu Xooganaa ee ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, sidoo kalena Sababa Khasaarihii ugu badnaa.
Hay’adda amaanka ee Dowladda ayaa ku dadaalay in aysan dhicin in la boobo Hantida kale ee uusan saameyn dabka, kana ilaaliya in halkaasi dhib kale ka dhaco.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in ay ka qeyb qaataan daminta dabka iyo ilaalinta Hantida kale ee uusan dabka saameyn.