Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah u qaaday ogolaanshaha iyo diidmada in afarta sano ee soo socoto Raโiisal wasaare uu dalka ka noqdo Xasan Cali Kheyre oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.
RIIX ย HALKAAN VIDEO
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheikh Osmaan Jawaari ayaa hadda tirinaya cododka Xildhibaanada ogol Raโiisal wasaaraha iyo kuwa aan ogoleyn,waxaana hadda howlgal ka socda buuq iyo sawaxan ay sameynayaan Baarlamaanka.
Xarunta Golaha Shacabka waxaa ku sugan 231-Xildhibaan,waxaana lagu dhawaaqay in dhamaan ay ogolaadeen in Raโiisalwasaaraha magacaaban codka kalsoonida siiyaan.
Hadda waxaa hadlaya Raโiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo loo ogolaaday in afarta sano soo socota Xilka hayo.