Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C.rashiid Maxamed C/laahi ayaa maanta Tababar u soo Xiray in ka Badan 400-askari oo ka mid Noqonaya Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaas ay tabareen Saaraakiil ka Socota Dowlada Imaaraadka Carabta.
Mudane C.rashiid ayaa Xusay in Dowladda Soomaaliya ay Ahmiyada Koowaad ay siinayso Horumarinta Ciidamadda Difaaca Dalka Sida qalabeynta iyo Tababarida kuwaasiΒ oo uuTilmaamay in looga Fadhiyo inay Meesha ka Saaraan Dagaalamayaasha Al-shabaab ee kaΒ Dhaq-dhaqaaqa meelo ka mid Gobalada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo ku Haminaysa in ay Saldhig militari ay ka Furato Wadanka dhaca geeska AfricaΒ ee Soomaaliya kaasi oo ujeedkiisu yahay in laga Socdo Dhaq-dhaqaaqa Kooxaha ka Dagaalamaya Wamada Dhexe iyo meelo ka mid ah Qaarada Africa ayaa Dowladda Soomaaliya ka Taageerta Dhinaca Tababarka Ciidamada Xooga Dalka gaar ahaan Kuwa sida Gaarka ah u Tababaran ee Komaandooska Soomaaliya.
https://www.youtube.com/watch?v=o1AMo0bfxy4&feature=youtu.be
HOOS Daawo SAWIRO