{WARSANRADIO} Β Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, taasoo noqoneysa dalkii 9aad ee uu booqdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay horaantii bishii February ee sanadkan.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo ah mid rasmi ah ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay dalka Sacuudiga, halkaasoo ay uga qeyb galeen shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doonaΒ MadaxweynahaΒ Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku guda jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sidoo kale waxaa uu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub.
Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka AMISOM,