Waxaa xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho ka furmay shir loogu
magacdaray “Ololaha Aragti Wadaaga Hiigsiga Caasimada” kaas oo uu soo qaban
qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna
Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,Wsiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi
faarax Siciid Juxa, Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiir
Cadaaladda, Wasiirka Qorsheynta, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka
Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen C/laahi Goodax Barre, Daahir Amiin Jeesow
iyo Fowsiyo Xaaji Aadan.
Kulankaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay sidii shacabka Muqdisho
ay uga qeyb noqon lahaayeen maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna looga
qeyb gelin lahaa talada hoggaanka.
Ugu Horeyn waxaa kulanka ka hadlay xogyahaya guud ee Maamulka Gobobolka
Banaadir taas oo sharaxaad buuxda ka bixisay ujeedka madashaan iyo
waxyaabaha fikirka ay kasoo dhiiban karaan shacabka Muqdisho .
Waxay sheegtay inay shacabka fikrado kasoo dhiiban karaan qeybaha kala ah:
· Siyaasadda
· Dhaqaalaha
· Horumarka
· Iyo Adeegga Bulshada
Ujeedka shirkaan ayey sidoo kale ku sheegtay inuu yahay:
1) Inay kasoo aragti bixiyaan Maamulka
2) Ka dhabeynta qorshaha dowladda ee awood siinta shacabka
3) Abuuridda hab wada shaqeynta ka dhaxeyso madaxda iyo Shacabka
4) Ka talo bixinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Intaas ka badan waxaa khudbado muhiim ah halkaas kasoo jeediyey Xildhibaabo
kala duwan oo si weyn usoo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah, waxayna u
mahad celiyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, iyagoo
dhammaantood ugu baaqay inuu guddoomiyaha meel kusoo ogaado maqaamka
Muqdisho.
Sidoo kale waxaa halkaas khudbado ka jeediyey wasiirka Dastuurka
Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa
oo dhammaantood si weyn usoo dhaweeyey howshaan culus oo uu Maamulka
Gobolka Banaadir daah furay Maanta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay inay wasaaradda
Arrimaha Gudaha si rasmi ah u furtay wadahadalka ku aadan sida laga yeelayo
Maqaamka Caasimadda Muqdisho, wuxuuna shacabka Muqdisho ugu baaqay inay
fikirkooda kusoo bandhigaan barnaamijkaan uu maanta daah furay Maamulka
Gobolka Banaadir, wuxuuna shaaciyey in natiijada kasoo baxdo loo gudbin
doono Baarlamaanka Soomaaliya si Maqaamka Muqdisho looga qaato go’aan
dastuuri ah.
Ugu Dambeyntii waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna
Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ugu horreyn dhammaan kasoo qeyb
galayaasha kulankaan ugu mahadceliyey sida wanaagsan oo ay uga soo qeyb
galeyn wuxuuna si gacmo furan ugu soo dhaweeyey xarunta dowladda hoose ee
Muqdisho.
Guddoomiye Thaabit ayaa ka dhawaajiyey in ujeedka shirkaan maanta furmay uu
yahay sidii Shacabka Muqdisho dib loogu soo celin lahaa awoodda maamulka
iyo ka qeyb galka habsami u socodka shaqada Maamulka Gobolka Banaadir,
wuxuuna sheegay inay shacabka Muqdisho u fureen inay fikradooda kasoo
dhiibtan dhinac kasta oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, Arrimaha
Bulshada, Caafimaadka iyo wixii lamid ah.
Wuxuu Guddoomiye sidoo kale sheegay inay shacabka u diraayeen foomam ay ku
qoran yihiin Su’aalo iyo talo bixin loo baahan yahay inay shacabka ku
dhiibtaan fikirkooda iyo aragta ay ka qabaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo
Maqaamka Caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa xusay inay Degmo degmo u wareysan doonaan shacabka
Muqdisho isla markaasna natiijada kasoo baxdo xog wareysigaan laga dhigo
doono Cilmi Baaris rasmi ah oo loo gudbin doono labada aqal ee Baarlamaanka
Soomaaliya.
Gabagabadii kulankaan guddoomiyaha ayaa shacabka Muqdisho si sharaf leh uga
codsaday inay dhammaantood si wanaagsan uga qeyb qaataan mashruucaan loogu
talagalay in looga wada hadlo geedi socodka Caasimadda Muqdisho.