War naga soo gaar goor dhow magaalda Baydhabo ayaa waxaa uu sheegayaa in xabsi iyo hanjabaad dil ah la loo geestay madax ka tirsan Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ka dib markii aan la xiriirnay masuuliyiin ka tirsan Golaha Badbaadada KGS , waxaa ay nooo sheegeen in masuuliyiinta dhibka loo geestay ay ka mid yihiin.
1. Nuur Mohamed Moalin (Bukurow)
2. Mohamed Nuur Aden
3. Abdullahi Shirfow (Dubey) .
Masuuliyiinta aan la hadalnay, waxaay nog sheegeen in ay ku baaqayaan in masuuliyiinta Koonfur Galbeed in si deg-deg ah muwaadiniintaas xuriyaddoo loo siiyo.
Dadkii lagu eedeeyay xiritaankaas weli lama aan xariirin, waarna idin soo gudbin doonaa markaan helno.