War Deg deg ah oo haatan nasoo gaaray ayaa sheegaya in xildhibaano katirsan baarlamaanka Galmudug ay xilka qaadis ku sameeyeen Gudoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenkii maamulkaas Maxamed Xaashi Carabey.
Kulan ay xildhibaanadaas oo gaaraya 32 ay ku yeesheen goordhow magaalada Cadaado ayay ku sheegeen iney xilka ka qaadeen labadaan masuul kadib markii ay u adeegsadeen arin dastuuri ah sida ay hadalka udhigeen.
Wariye ku sugan Cadaado ayaa soo sheegaya in Xildhibaanada xilka ka qaaday Labadan masuul ay yihiin kuwa taageersan madaxweyne Axmed Geelle Xaaf kaas oo isna caawa la sheegay in xilkii laga qaaday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa diiday inuu arintan ka hadlo, laakiin waxaa uu bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu taageersan yahay go’aankii xilka looga qaaday Madaxweyne Axmed Geelle Xaaf.