Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xilka ka qaadistii xalay ay sheegeen in ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay in xilka aan xilliggaan laga qaadikarin Maadaama uu sheegay in uu ku jiro Xabsi guri waa sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanadii xalay ku shiray Cadaado ayuu ku eedeeyay in ay soo Abaabuleen Shacab oo Xildhibaano laga dhigay.