Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Qarankaย Axmed Yuusuf Muumin oo loo yaqaano Siraaji, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa waxaa xilka looga qaaday Xisaabiyaha Guud, waxaana lagu magacaabay Xisaabiye Guud oo cusub.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in xilka Xisaabiyaha Guud loo magacaabay Haweeney lagu magacaabo Faadumo Cusmaan Faarax oo horay Bankiga Dhexe uga soo shaqeysay.
Xisaabiyaha Guud Mr Siraaji ayaa muddo la hadal hayay in xilka laga qaadayo, waxaase xilkiisa uu noqday in Masโuuliyiin dhowr ah oo ay Xildhibaano ku jiraan inay ku ololeeyaan oo shaqsiyaad ay wataan u gudbiyaan Raโiisul Wasaaraha.
Golaha Wasiirada ayaa horay xil ka qaadis ku sameeyay Masโuuliyiin xilal hayay, waxaana ugu dambeeyay Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Nuur Faarax oo lagu bedelay Maxamed Cali Afgooye oo reer Mareykan ah.
La soco wixii warar ee ku soo kordha.