Madaxaweynah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa maanata Xariga Ka jarey Buundo Cusub oo Mudo Dhismo lagu waday oo laga dhisay Wadada 30-ka Magalada Baydhabo.
Madaxweynaha KG Somalia Oo ay Wehelinayeen Masβuulyiin Kala Duwan oo ay Ka mid yihiim Gudoomiyaha Maamulka Β Gobolka Bay Cali C/raxmaan Wardheere iyo Kan degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Buundadan Cusub ayaa laga hergaliyey Meel Gawaarida Xamuulka ah Iyo Shacabka ay Dhib Ku qabeen isla markaana Xiliyada Roobabku Biyaha ay fadhiistaan.
Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali C/raxmaan iyo kan degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa waxay ka hadleen Muhiimada uu leeyahay in Maanta Madaxweynaha uu xariga Ka jaro Buundan oo Marinkeeda uu Dhib ku qabeen Shacabka Xaafadda Wadada 30-ka Ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Shariif xasan Sheekh Adan Oo Ka Jarka ka dib ka Hadley Goobta ayaa sheegey in Munaasabadan xarig jarka ah ay ka dhigan tahay guul isla makaana wuxu u mahad-celiyey Cid Waliba oo gacan ka Geysatay Dhismaha buundadan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Magalada Baydhabo in ay ilaashadaan Buundadan iyo inay ka qiib qaataan arimaha hormarka.