Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ย ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale sida uu xaqiijiyay Masuulย ka tirsan Xafiiska Raโiisul wasaaraha.
Ujeedada socdaalka Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasiย Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.