Munaabadd ballaaran Oo si weyn Loo soo gaasimey oo lagu xusaayey Sanad guuradii 3aad Ee Dowladda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa caawa lagu qabtey Xarunta Madaxtooydda Dowlad Goboleedka KG Somalia.
Munaasabadan ayaa waxa qiib Galey Wefdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare,Wasiirka Haweenka Gal-Mudug, Odayaasha Dhaqanka KG Somalia, Wasiiro Ka Socday DFS , Xildhibaanada Labadda Aqal Ee Baarlamanka Somalia Ee Lagu Soo Doortey Koonfur Galbeed Somalia, Xafiiska Siyaasada QM Ee UNSOM , AMISOM, Maamul Goblka iyo kan Degmada Baydhabo, Ururka Haweenka Baydhabo iyo boqalaal Shacabka Magaalada Baydhabo.
Munaabadda oo aad u dheereyd, waxa laga jeediyey khadbado Kala duwan oo Jeediyeen Mus’uuliyiin fara badan, Wakiil ka socodey Qaramada Midoobey, Gudoomiyaha Maamulka G/Bay Cali Wardheere C/raxmaan, kan Degmada Baydhabo Cali Cali Watiin, Odayaasha Dhaqanka, Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Muraayo Ibrahim Madeer, Gudoomiyaasha Baarlamanadda Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre , Xildhibaano, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Somala C/llahi Xamud, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Ee Gal-mudug Hoddan C/llahi Shire.
Intii ay socotey Munaasabdda waxa lagu soo bandhigay ‘Documentary’ Muqaal ah oo ka qiib galiyaasha munaasabadda iyo dadka aan la socon waxqabadka KG lagu tusaayey isla markaana ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah Wariyaasha Magaalada Baydhabo, Majaajilooyin, heeso lagu amaanayey Waxqabadka iyo Madaxweyne Shariif Xasan.
Masuliyiintii ka hadashey Munaasabadda ayaa dhamaantood guul ku tilmaameen meesha maanta ay taagan tahay, waxayns aad ugu dheeraadeen radinta Siyaasiyiinta Mucaaradsan Dowlad Goboleedka KG Somalia waxayna ku taliyeen in la joojyo mooshinadda iyo waxyaabaha dib u dhacyadda u keenaya Maamulka, isla markaaana hal dhinac looga soo wada joosto la dagaalanta maleeshiyadda Alshabaab.
Madaxweynaha Hirshalle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka Jeediyey munaasabada 3 sano guuradda Xilka madaxweynimada Shariif Xasan Sheikh Aaden ayaa sheegey In dhul barwaaqo uu yahay KG Somalia, isla markaana waxa uu xusey in horumaro badan uu ku arkey Koonfur Galbeed Somalia.
Madaxweyne Waare waxa uu ku taliyey in la Joojiyo waxyaabaha qalalaasaha Keena,isagoona hoosta ka xariiqay in siyaasiyiin aysan ku mashquulin arimo aan faa;ido lahayn.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aaden oo khudbad dhinac badan taabaneysey ka jeediyey Munaasanadda ayaa guul u tilmaamey halka maanta joogto KG Somalia, wuxuu carabka ku adkaayey in la xoojiyo ka shaqeynta Nadada iyo la dagaalanta Maleeshiyadda Al shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha KG Somalia ayaa ku dheeradey; saameynta Mooshinada lagu wado ku yeelan karto maamulkiisa ,isagoona sheegey in aysan haboonin in la carqaladeeyo Dowladiisa oo aan waqtigeedu aan dhamaan; wuxuu ugu baaqay raga doonaya kursiga inay isu diyaariyaan tartan 17/11/2018.