{WARSANRADIO}Magaalada Baardheere ayaa maanta waxaa lagu soo gabgabeeyey Seminaar muddo seddex maalin ah u soconayey xubno gaarayey ilaa 80 ruux,kuwaasi oo laga soo kala dhex xuley qeybaha kala duwan ee Bulshada Baardheere.
Seminaarkani oo ay soo abaabuleen Maamulka degmada Baardheere ayaa mudadii uu socdey ka qeyb galayaasha waxaa lagu barey daruus ku saabsan sidii bulshada ku nool degmada ay u heli lahaayeen Biyo Ceel ah oo nadiif ah oo ay ka faa,ideystaan dadka deegaanka.
Maxamuud Ibraahin Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Baardheere oo ugu horeen ka hadley Tababarka ayaa sheegay ujeedada loo qabtey in ay la xariirto dhismaha Ceelka Bulsho oo biyo siin kara dadweynaha ku dhaqan Baardheere ,sida ay bulshada ugu qeyb qaadan karaan baahida biyaha iyo weliba maamulka iyo fayo dhowrka biyaha .
Waxaa xusid mudan ayuu yiri ,islamarkaana aan u mahadcelinayaa dadkii soo abaabuley Mashaariicdii horomarinta ee horey looga hergeliyey degmada Baardheere 2016 ilaa 2017 iyo weliba Mashaariicda cusub ee wejiga labaad ee laga hergelinayo degmada sida,mashruuca biyo xireenka Bullo leysaan,nadaafada,50 xabo leerarka ku shaqeeya cadceeda,Buundo iyo dib u heshiisiinta,dhamaan mashaariicdani ayuu sheegay dadka deegaanka in ay baahi weyn u qabeen..
Sidoo kale Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Baardheere ayaa sheegtay in tan iyo intii mashaariicda laga hergeliyey degmada Shacabka ay dareemayaan horomar balaaran oo dhanka Nolosha ah.
Gebagebadii Kulankaasi ayaa wariye Saabariin Maxamed Aaden waxay dood wadaag u qabatey haweenkii ka qeyb galey Seminaarka muddada seddexda maalin ah ka soconayey Xarunta Bulshada degmada Baardheere.