{WARSANRADIO}Heyโadda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed oo taariikhi ah la saxiixatay Soomaaliya, Heshiiska oo loogu magacdaray (DOAG) ayaa saxiixiisa ย waxaa goobjoog ka ahaa raโisul wasaare Xasan Kheyre, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.
Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku xigeenka USAID ee qaarada Afrika Julie Koenen iyoย safiirka Mareykanka Martin Dale.
Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan waana barnaamijkan lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.
Waxyaabaha dowladda federaalka laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.
โDowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashadaโ sidaa waxaa yiri Julie Koenen.
โ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga goโantahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fogโ sidaasi waxaa yiriย Martin Dale isaga oo intaasi raaciyay โย Heshiiskan waxaa ay ka dhigan tahay iskaashi ballaaran oo dhex-mara Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan ballan-qaadeynaa in aan taageerno himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen horumarโ.
Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliyaย ย Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay inย wax looga qabto horumarka Soomaaliya.
2011-kii, ย USAID ย waxaa ay in ka badan ย $1.3 billion ku qarash-gareeysay arrimaha baniiโaadnimada iyo $328 million o arrimaha horumarka ah.
Heshiiskan ayaa imanaya toddobaad kadib markii ay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Qadar ay kala saxixideen heshiis ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar.