Beeraleyda degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo isugu jira kuwa wax
soo saarkoodu uu ku tiirsan yahay dhinaca Waraabka ee Jiimada iyo kuwa
adablaha ee roobka ku baxa ayaa xilligani waxay dadaal ugu jiraan
sidii ay u goosan lahaayeen Dalagyo kale gedisan oo ay beereen Bilahii
Oktobar iyo Novembar oo ay degmada ka da,een Roobab,kor u qaadey
rajada Beeraleyda.
Maxamed C/raxmaan Matow oo ah Gudoomiyaha Iskashatada Beeraleyda
Baardheere oo la hadlayey Radio Warsan ayaa Codsadey Beeraleyda in
laga caawiyo habka wax soo saarka Beeraha si ay u xoojiyaan
waxsoosaarka, sida Matoorada waraabka, Qalabka matoorada, Abuurka
Beeraha, Shidaalka, Cagafta lagu baneeyo dhul beereedka, habka iyo
xirfada ha wax beerasho oo uu sheegay in aysan jirin wax tababro ah
oo ay helaan Beeraleydu.
Gargaarka keliya ee Beeraleyda soo gaaray sanadahan ayuu sheegay in ay
ka mid yahiin Hay,adda ICRC oo u diiwaan gelisey ilaa 15 ruux oo ka
mid ah Beeraleyda degmada in ay siiso Matoorada waraabka iyo
Qalabkooda iyo weliba kaalmooyin ay siinayso dhowaan ilaa 400 oo qoys
oo beeraley ah,kaalmooyinka noocani oo kale ah ayuu sheegay in wax
weyn ay ka tarayaan Nolosha Beeraleyda deegaanka.
Matow ayaa waxaa uu intaasi ku darey Beeraleyda adabla ah in ay
bilahii la soo dhaafey qaarkood ay kaalmooyin ka heleen hay,adda FAO
oo siisey lacago aan sidaas u badneyn oo lagu magacaabey abuurka iyo
Banaynta dhul beereedka,balse kaalmooyinkaasi oo aad u yar ayuu
sheegay in wax weyn ayan ka tareynin kobcinta wax soosaarka.