Soomaalida Mareykanka Oo Deeq Soo Gaarsiiyey Ehelada Dadkii Ku Geeriyooday Qarixii Zoobe
Jaaliyada Soomaalida Mareykanka ayaa lacagaasi iska soo uruuriyay,waxaana Sabtidii Maanta ay soo gaarsiiyay qaar kamid ah ehelada dadkii ku geeriyooday Weerarkii 14-Oct ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ,Zakari Xaaji Maxamuud Cabdi,Sidiiq Warfaa iyo Xildhibaan Sacdiyo Xaaji,boqol Qoys oo ay mashaqadaas dadkooda kaga geeriyoodeen ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay Maanta 400-Dollar.
Axmed Bashiir gudoomiye kuxigeenka Gudiga lacgtaas loo soo wakiishay ayaa madasha ku faah faahiyay Qorsha ay ku wajahayaan bixinta lacagtan iyo tirada guud lacagta maanta la bixiyay.