{WARSANRADIO}Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay qarax ku burburiyeen xarun Isgaarsiin oo ay Shirkadda Hormuud ku laheyd degmada Ceelwaaq.
Sida ay sheegayana wararka Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka ay habeen hore ay qarax ku burburiyeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd halka lagu magacaabo Ceel-baande oo 3KM u jirta degmada Ceelwaaq.
Waxaa la burburiyay Dhamaan dhismihii iyo qalabkii yaallay xarunta oo isugu jiray matooro, solarka ku shaqeeya cadceeda iyo qalab kale oo loo isticmaalayay Isgaarsiinta
Arrintan ayaa saameyn dhanka isgaarsiinta ah ku yeelatay dadka deegaanka, iyadoo ay waayeen dhammaan adeegyadii ay bixinjireen xarumahaasi.
Ciidanka Kenya ayaa horay u gubay, una baabi’yay xarumo Isgaarsiineed oo ku yaalla deegaanka Khadiijo Xaaji, Dhegalaab, iyo Tafey oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada ay Ciidamada kenya ka wadaan deegaanada xuduuda, waxaana jirin illaa iyo hada waxwar ah oo arrintan ka soo saareen dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland