{WARSANRADIO}Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf hareeyay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka dhashay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa dalka u muuqdaa mid galay qalalaase siyaasadeed oo ay adag tahay sida looga baxo, haddii xal aanu imaan.
Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in mooshinka uu yahay mid laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Halka xildhibaanada mooshinka riixaya ay ku eedeynayaan guddoomiyaha baarlamaanka inuu yahay qof aan wadi karin baarlamaanka dib u dhac badana uu ku keenay.
Hase ahaatee abaabulka mooshinka iyo qaabka uu soo socday ayaa la sheegayaa in Madaxweynuhu wax ka ogaa, maadaama sida muuqata ay arrintan hoos ka wadeen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Agaasimaha Madaxtooyada, taasna ay hubanti ka dhigeyso in Madaxweynuhu la socday.
Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu muddo todobaad ah ku sugan yahay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, howl maalmeedkiisa shaqo u wareejiyay ayaa waxay dadka qaar aaminsan yihiin in Madaxweynuhu iska sii fogeeyay inuu raad ku yeesho arrintaas, maadaama ololaha ugu xooggan ee lagu riday Jawaari uu ka socday Madaxtooyada.
Xildhibaan Aamino Cabdi oo ka mid aheyd Guddi Haweenka Xildhibaanada Baarlamaanka oo Madaxweynaha ugu tagay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaki gelisay dhex dhexaadnimada Madaxweyne Farmaajo ee khilaafka ka dhex jira baarlamaanka iyo Xukuumadda.
Indhawaalaba waxaa la sheegayay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari uu ka dhaxeeya is faham la’aan kala duwan, sidoo kale dhowr jeer safaro Madaxweynuhu dibadda u aaday aanay is arkin, maadaama sida sharciga qabo marka Madaxweynaha dalka dhoofayo ay tahay inuu Kusime noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, hadii uu dalka joogo.
Xiriirka Madaxweynaha iyo Guddoomiye Jawaari ayaa aad u hooseeyay, sidoo kale ma jirin xiriir wada shaqeyn toos ah oo labada xafiis u dhaxeeyay, waxaana xafiis walba uu watay howl maalmeedkiisa, waxaana mararka qaar kulamada labada Mas’uul ay ahaayeen mid soo boodey ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore ka aamusay qalalaase siyaasadeed ee uu dalka galay, sida dhiibiddii Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dowladda Itoobiya.
Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in xaalad kasta oo dalka in Madaxweynuhu og yahay, balse aanu ka hadal, taasna ay dad badan horay ugu dhaliileen Madaxweynaha in aanu ka hadal xaalado jira oo taagnaa.