Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka tirsanayd Xerada Jeneraal Gordan ee isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysnaa keydka xerada.
Taliyaha ayaa xaqiijiyey in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka xooga Ayaa ugu dambeyntii sheegey in ciidanka isku dayey falkaas gacantana lagu hayo ay la tiigsan doonaan shaciga .