Maalintii shaley waxaa degmada buur hakaba dil loogu geystey askari ka tirsanaa ciidanka dowlada soomaliya kaa oo u geystey isla askari kale oo ka tirsan kuwa maamulka konfur galbeed dhawaan halkaasi ku tababarey ka dib markii uu muran soo kala dhex galey
dilka ka dib waxaa goobta soo gaarey ciidanka amaanka degmada buur hakaba waxeyna gacanta ku dhigeen askarigii dilka geystey iyagoo markiiba saraakisha iyo maamulka degmada ay ku xukumeen dil toogasho waxaana goob fagaara ah oo aan ka fogeyn meeshii uu dilka ugu geystey askarigii kale lagu toogtey ninkii gacanta lagu dhigey oo ciidanka kgs ka tirsanaa waxaa arintaasi warbaahinta warsan u xaqiijiyey gudoomiyaha maamulka degmada buur hakaba Maxamed Cabdiqaadir waana markii u horeysey oo arin noocaan oo kala ah ka dhacda degmada buur hakaba ee gobolka baay