Wasiir dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.
Qoraal uu Wasiir dowlaha uqoray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan kuna ogeysiiyay Raβiisul Wasaaraha ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys looga gaaro muranka jira nuqulada is diidan ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xeerka uu Madaxweynaha saxiixay iyo kan uu Wasiirka tixraacay ay is diidan yihiin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xulida iyo magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ay door muhiim ku lahaadaan dowlad goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta dalka.
Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl galla dalka ayaa dhowaan cabasho ka keenay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee uu sameeyay Wasiirka inay hal shirkad u badan yihiin.
Halkan hoose ka akhriso nuqulka qoraalka Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.