{WARSANRADIO}Kulankan ay isugu imaadeen odiyaal siyaasiyiin dhalinyaro iyo haweenka beel ka mid ah beelaha dega kgs waxaa uu ka dhacay magaalada baydhabo ee gobolka baay .
Kulanka waxaa lagu taageeraayey malaaqa guud ee beeshan malaaq sheikh barre cali .
Iyagoo dhamaan dadkii madasha ka Hadley eedeyn u soo jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanka u metela baarlamaanka kgs iyo kan fadaraalka waxeyna u eedeyeen shakhsi ay ku sheegeen malaaqa beesha inuu yahay taasina ay ka soo hor jeesteen oo ay malaaqooda guud ee beesha in uu yahay malaaq shekh bare cali .
Malaaq shekh barre ayaa geba gebadii ka Hadley goobta wuxuuna soo jeediyey in khilaafka iyo kala arakti duwanaanshaha la iska daayo oo shacabka beeshan rabi taan kooda la eego wuxuuna dowlada federaalka iyo dowlad goboleedka kgs ka cod sadey iney soo dhex galaan arintaan .