Baydhabo Somaliya{WMN}-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ammaanka Xarunta Madaxtooyada ee magaaladaas ay la wareegeen ciidamo milateri ah.
Ciidanka Liyuu Boolis oo ah ciidamo uu abuuray Madaxweeynihii hore ee Maamulkaas Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hore u sugayay ammaanka madaxtooyada maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana maanta ciidamadaas laga qaaday mas’uuliyadii amniga ee xarunta Madaxtooyada, iyadoo aan la sheegin sababta loogaga bedelay.
Isbedelka ciidamada ee Madaxtooyada Jigjiga ayaa ku soo beegantay, iyadoo la isugu yeeray baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalida inay isugu yimaadaan shir aan caadi ahayn oo lagu wado in berri uu ka dhico magaalada Jigjiga.
Hase yeeshee, lama sheegin arrimaha uu shirkaas ku saabsan yahay, balse waxaa la hadal hayaa inuu la xiriiro isbeddelada dhowaan looga dhawaaqay Addis Ababa, sida calanka dawlad deegaanka iyo magaca maamulka deegaankaas.
Dhinaca kale deegaannada bariga Itoobiya oo dhulka Soomaliduna uu ku jiro ayaa waxaa dib u soo laabtay Internetka oo laga jaray markii ay rabshaduhu ka bilowdeen horaantii bishan.
Ujeeddada Internetka loo jaray lama sheegin, hase yeeshee wuxuu jaritaanku salka ku hayey in laga hor tago in aan nacayb iyo rabshado dheeraad loo adeegsan in lagu huriyo