Baydhabo Somaliya{WMN}- Wararka ka imaanaya degmada Dharkeenleey ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari waxana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan qaabka uu u dhacay qaraxa iyo cidda lala beegsaday. Warar ay heshay Idaacada Dalsan ayaa sheegaya in uu qarxay gaari uu lahaa gudoomiye ku xigeenka gobalka Sh/hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo marayay meel ku dhow xaafada Dabkaya Madow ee degmada Dharkeenley.
Gudoomiye ku xigeenka gobalka Sh/hoose C/fitax Xaaji Cabdulle oo la hadlay idaacadaha ayaa sheegay in uu qarxay gaari uu lahaa lakin xiligaas aanu saarnayn isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxaas.