Baydhabo Somaliya{WMN }-Sanataradaan soo gaaray magaalada baydhabo waxaa ay qeeb ka yihiin gudiyo dhawaantan u magacaabay gudoomiyaha aqalka Sar
mudane Cabdi xaashi in ay ay dejiyaan khilaafka soo kala dhex galay DFS iyo madaxda maamul goboleedyada ka soo ifbaxay markii uu soo dhammaaday Shirkii golaha iskaashiga maamul goboleedyada Kismaayo.
Imaanshaha xubnaha magaalada Baydhabo, waxaa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha BKS xildhibaano iyo wasiiro, kadibna aqalka madaxtooyada Koofur galbeed ayay kulan kula qaateen kusimaha madaxweynaha ahna wasiirka beeraha iyo waraabka KG Maxamed Xasan Fiqi,Guddoomiyaha BKS Shariif Sheekhunaa iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole xukuumada iyo BGS.
Kusimaha Madaxweynaha iyo gudoonka Baarlamaanka KGS ayaa Senitarada hadalo soo dhaweyn ah u jeediyay odoyada ka soocda aqalka sare DFS.
Ujeedada safarka Senitorada u soo gaareen Baydhabo waxaa warbaahinta uga waramay Axmed Macalin Cumar Nadiir.
tan iyo markii uu soo dhamaaday shirkii golaha iskaashiga Maamul goboleedyada ee horaantii bishan ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaa ka dhasahay buuq siyaasadeed saameeyay maamul goboleedyada qaar, haba ugu darnaato Galmudug. Waxaana gudigan soo gaaray Baydhabo iyo kuwa kale gudoonka aqalka sare magaacaabay looga fadhiyaa xalinta xurgufta siyaasadeed ee ka dhex oogan Dowlad goboleedyada iyo DFS iyo Dowlad Goboleedyada dhexdooda, Senitoradan Baydhabo ku sugan marka ay hoowshooda idlaystaan waxay u baqooli doonaan Dowla goboleedka Jubbaland.