Baydhabo Somaliya{WMN}- Wariye Cabdirashiid axmed Ibraahim (Rashka boy) oo ka tirsanaa hoowlwadeenada Idaacadda Warsan ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Wariye Cabdirashiid Rashka oo ka shaqaynayay Idaacadda Warsan oo dhaawac ka soo gaaray qaraxyadii ka dhacay Baydhabo.
Qaraxa ayaa wariye Cabdirashiid Rashka waxaa uu ku qabsaday isagoo maraya agagaarka Maqaayadda Beder, halkaasoo uu isku qarxiyay mid ka mid ah ismiidaamiyayaashii weerarka is qarxinta ku qaaday labada goobood ee kala ahaa Hoteelka Bilan iyo Maqaayadda Beder.
Wariyaha waxaa uu dhawaca ka gaaray lugta iyo gacanta, waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dabiibayaan dhaqaatiirta, iyadoo iminka ay sakhirantahay xaaladdiisa caafimaad, inkastoo uu qabo xanuun haddana ma’ahan wariyaha mid ku sugan xaalad khatar ah, sida ay noo sheegeen hoowlwadeenada caafimaadka isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.
Wariyaha dgaawacmay ee Cabdirashiid Axmed IbraahimRashka waxaa uu sidoo kale ahaa wakil wareedka TV ga Bulsho Tv ee xaruntiisu tahay Magaalada Hargaysa.
Wararkii ugu danbeeyay eek a soo baxaya khasaarihii ka dhashay qaraxyadii mataanaha ahaa ee galinkii danbe sabtida 13 kii Octobar ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa ah mid sii siyaadaysa iyadoo dhimashada ay gaartay 20 halka dhaawaca uu gaaray 26, iyadoo dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa halis ah oo aan isbitaalka waxba looga qaban karin.
Waxaa ay soo jeediyeen saraakiisha caafimaadka isbitaalka in dhiig loo shubo bukaanada oo aad u dhiig baxay, iyagoona Bulshada qaybahooda kala duwan ugu baaqay in ay ku deeqaan dhig oo ay yimaadaan Isbitaalka.