Gudiga dib u eegista Dastuurka ayaa wareejiyay cutubyo ka mid ah dastuurka si looga soo shaqeeyo, waxayna ku wareejiyeen gudiga madaxa banana.
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid,Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in labadan guddi ay ka dhaxeyso wada shaqayn ayna diyaarsadeen qorshe howleed ay ku dhammeystirayaan dib u eegista Dastuurka
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Muumino Sheikh Cumar ayaa dhankeeda sheegtay in 4-tan cutub ay ka soo shaqeyn doonaan, dibna ay ugu soo celin doonaan guddiga si bulshada loogu soo bandhigo
Horay ayaa labadan guddiga uga soo shaqeeyeen cutubyo ka mid ah Dastuurka, waxaana qodobada quseeya arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo awood qaybsiga ku wareejiyeen madaxda Dawladda dhexe iyo Dawlad goboleedyada si ay go’aan uga gaaraan.