Dib uga noqoqoshada Siyaasiyiintan u tartamidda Doorashada Madaxweynaha KGS ayay ku shaaciyeen Shir jaraa’iid gelinkii danbe Axaddii ay ku qabteen Hotelka Horyaal ee magaalada Baydhabo iyagoo siyaasiyiintan dib uga noqoshada u cararista Doorashada KG ku sababeeyay faragalin ay sheegeen in ay ku hayso Dowladda dhexe habsami u socodka doorashada Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiintan ka baxday tartankii doorashada Koofur Galbeed ayaa kala ahaa.
- Maxamed Aadan Fargeeti
- Xuseen Xasan Cabdi (Kushug)
- Saalax Sheekh Cusmaan
- Yuusuf Macalin Ammiin Baadiyoow
- Xasan Macalin.
Xasan Macalin Aaniin oo ah Af-hayeenka siyaasiyiintan galabta shaaciyay in ay ka laabteen ka qaybgalka doorashada ayaa yiri. “ Waxaan uga tanaasulnay hadafkeenii ahaa in isku taagno doorashada KG Dowladda dhexe ayaa carqaladaynaysa Doorashada oo lugta ku dhiggan iyadoo k leh dano siyaasadeed, taasoo keentay in dhowr jeer dib ay u dhacdo waqtigii ay dhici lahayd doorashada.”
Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo aad ugu hanweynaa in ay tartamaan oo ay ka libkeenaan doorashada, balse ka bixistooda loolanka doorashada ayaa ah midda ay isweeydiinayaan dadka, xili ay gudiga doorashada qabanqaabinaya ay guda galeen bixinta Shahaadooyinka Musharixiinta, iyagana laga sugayay in ay isdiiwaangeliyaan. Waxaana la filayaa in lix musharax oo qaadatay Shahaadooyinka.