Baydhabo Somaliya{WMN}-Isagoo wareysi siinayay Idaacada Warsan Taliyaha ciidanka Booliisk Koonfur Galbeed Janaraal Mahad Craxmaan aadan waxaa sheegey in Amaanka Magaalad doorashada Madaxweynaha udiyaar garoobeyso uu hagaagsan yahay wax dhibaato ah ka jirin.
Janaraal mahad oo amaanka Koonfur galbeed u xilsaaran,islamarkaana xiliyadan qaban qabada doorashada socota saameyn ku leh dhanka nabad geliyada deegaanka ayaan weydiiney sida ay dhax dhaxaad uga yihiin mowjadaha siyaasadeed iyo musharaxiinta Xilka Madaxweynaha doonaya.
Ciidamo ayaa jirey dhowaan la keeney Magaalada baydhabo,waxaan weydiiyey waxaa uu kala socdo ciidankaas iyo hadii nabad geliyo deeganka ka jirin Ujeedka loo keeney.
Laakin Janaraal Mahad ayaa sheegey keliya la fiirin ciidamada Baydhabo la keeney ee ay jiraan kuwo Baydhabo laga qaadey Magaalooyin kale la keeyey sida warka u dhigey.
Amaanka cidii la ilaalin weysa ilaa mudadan qaban qabada doorashada socoto ayuu sidan ku jawaabay Taliyaha Booliiska Koonfur galbeed.