Hoolka qorshaynta ee Dowlad Goboleedka ayay ahayd madasha ay ka dhacaysay doorashada koonfur galbeed, waxaa soo xaadirtay 147 xildhibaan, waxayna ahaayeen tiradii ugu badnayd oo xildhibaano ka tirsan KGs ooh al fadhi soo xaadirtay.Xildhibaanada KGS, ayaa tiradooda ahayd 149 xildhibaan, laba kaliya ayaa ka dhinnayd, kuwaasn waxay ahayd.Shan musharax ayaa ku tartamaysay doorashada ku tartamaysay, waxayna kala ahaayeen Aadan Maxamed Nuur Aadan , Dr.Ibraahim Macalin Nuuroow, Cabdicasiis Lafta Gareen, Ambasador Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo Xuseen Cusmaan Xuseen .Kadib waxaa bilaabataya magic yeerinta xildhibaanada codaynaya iyo sheegista xildhibaanada codeeyay oo ay gudiga qabanqaabada doorashada KGS ay mid ugu dhawaaqayeen.
Markii ay dhamaatay codaynta xildhibaanada waxaa lguda galay tirinta codadka oo ay gudiga doorashada sheegayeen magaca musharaxa loo codeeyay, waxayna tusayeen marka ay ku dhawaaqaan magaca Musharaxa xubnaha matalayay musharixiinta.
Doorashada oo ahayd mid wareeggii koowaadba lagu kala baxay, waxaa natiijada codbixinta ku dhawaaqay sii hayaha xilka gudoomiyaha BKG ahna gudoomiye kuxigeenka koowaad Baarlamaanka KG Maxamed Nuur.
Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ahaa musharaxa kaalinta labaad ka galay doorashada ayaa si geesinimo leh uga hadlay natiijada doorashada isagoona u hambalyeey musharaxa guulaystay, waxaana uu amaanay gudiga doorashada iyo qaabkii ay u dhacday doorashada.
Cabdi Casiis Xasn maxamed Lafta gareen oo ku guulaysta codad dhan 104 codka kalsoonida xildhibaanda ayaa isna hadlayCabdicasiis lafta gareen oo ku soo baxay doorashada madaxweynanimada Koonfur Galbeed ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee hogaanka koonfuir galbeed hogaaminaya afrta sano ee soo socota.