Fahfaahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxyo ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.
Ugu horeyn, qarax Miino oo lala beegsaday shacab ku sugnaa Goob ay kusoo bandhigayeen ciyaar Dhaqameed oo ku taala xaafada Degaan-dega ee caasimad goboleedka Bay, waxaana ku dhimatay 2 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20.
“Qaraxa waxaa uu ahaa Miino bartamaha meesha wax lagu soo bandhigayay lagu aasay. Dadka meesha joogay oo soo bandhigayay ciyaar dhaqameed waxay isugu jireen Rag iyo Dumar,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Wadaninews24 online.
Dhanka Kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxa ay ciidamo ka tirsan dowladda kula beegsatay xaafada Hareri-kadiyow ee isla Baydhabo inay ku dishay afar kamid ah milatariga Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta amniga oo labadaan qarax ka hadlay waxay ka gaabsadeen inay tafaasiil dheeri ah ay bixiyaan khasaraha, balse, waxay carabka ku dhufteen inay ku gudajiraan baaritaan la xiriira dhacdooyinkan.
Qaraxyaddani ayaa kusoo aadaya iyadoo Koonfur Galbeed ay yeelatay dhawaan Madaxwayne cusub, kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Lafta Gareen.
HOOS KA DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=lJ-_0umJrCA&feature=youtu.be