Baydhabo Somaliya{WMN}-Wararka ka imanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee shalay ay Shabaab gubeen Todobo kamid ah Gaadiidka waaweyn ee dhuxusha qaada.
Qaar ka mid ah ganacsatadii u rarneyd gawaaridan Dhuxusha siday ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in gaadiidkan oo noocoodu ahaa kuwa Xamuulka qaada ama Inatareeyo lagu qabtay deegaan lagu magacaabo Duunka oo duleedka Afgooye ah.
Gawaaridan oo ka soo baxday Wanllaweyn, ayaa ku soo jeeday degmada Afgooye, iyadoo mar kaliya ay ka warheleen iyadoo lagu horjaray gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay wateen rag wajiyada soo duubtay oo katirsan Al-Shabaab, waxaana dadkii saarnaa lagu amray iney isaga daataan.
Maamulka degmada Afgooye oo arintan lagu wargeliyay ayaa durba Saddex kamid ah gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo badan ula dhaqaaqay deegaanka ay dhacdadan ka dhacday, iyagoo meesha tagay xili qaar kamid ah dhuxushii gawaraida saarneyd aaney wada guban.
Ganacsatadii Dhuxusha leheyd oo iyana gaadiid biyo siday ula dhaqaaqay deegaanka, ayaa markaliya ayrkay iyagoo ay isaga soo tageen Ciidamadii ilaalada ka heysay, taasoo soo dedejisay in Shabaabkii durba Duunka ay ku soo laabtaan, mar kalena dab iyo Basiin isugu daraan Gawaaridii Xamuulka.
Ganacsatadan, ayaa ku eedeeyay Ciidamada amaanka iney dayac ku sameeyeen Alaabtooda, iyagoo sabbata ay usoo laabteen Askarta ku sheegay cabsi ay ka qabeen iney soo weeraraan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa inta badan dadka ku nool deegaanadooda ka hor istaaga iney dhirta jaraan si ay uga shitaan dhuxul, waxaana la rumeysan yahay in Shabaabku dhirta u tahay gabaad ay ka hoos galaan diyaaradaha dagaalka ee dul heehaaba deegaanada ay joogaan.