Baydhao Somalia {WMN}-Ururada dhalinyarada eek a jira magaalada Baydhabo ayaa ah kuwa ka qayb qaata taageerada dadka haldoorka u ah bulshada iyo caawinta dadka dadka tabarta daran iyo ardayda waxbarata ee aan haysan garabka ee u baahan in loo fududeeyo qarashaadka waxbarashada.
Garab walaal waa ururur ka shaqeeya horumarinta dhalinyarada, intii uu dhisnaa waxaa uu ka shaqeeyay arimo dhowr ah oo ay ka midyihiin taabagalinta tartan aqooneedyada la qabto bisha barakaysan ee Ramadaan, kaasoo dhexmara xaafadaha kala duwan ee Magaalada baydhabo.
Yaxya macalin yuusuf waa gudoomiyihii ugu danbeeyay ee sedexdii sano ee ugu danbaysay maamulayay ururkan, mar uu ka hadlayay munaasabad uu xilka gudoomiyanimada ugu wareejinayay Saleemo Sheekh Shuceeb ayuu ka sheekeeyay waxqabadka ururka mudadii dhisnaa iyo heerarkii uu soo maray.
Abwaan Maxamed Xasn Cusmaan Canjeex, waxaa uu ka midyahay haldoorka taariikhda dadka deegaanadan iyo murti aruuruntooda la nool ee ururkan horumarinta dhalinyarada ee Garab walaal ay ku saacidaan tii ugu danbaysana ahayd iyadoo ururka uu u fudeeyay abwaanka in indhaha loo fiiqo, taasoo mar uu ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta ka ilmaysiisay.
Saliimo Sheekh Shuceeb waa gudoomiyaha cusub ee munaasabadan lagu caleema saarayay, waxayna noqonaysaa gudoomiyihii sedexaad ee ururkan hogaankiisa qabto, mar ay hadashayna waxay sheegatay in ay hoowshii ururka laban laabi doonto isla markeena ka weecan doonin wadiiqadii gudoomiyaha xilka ay kala wareegtay ka leexan doonin.
Agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cusmaan Maxamed oo munaasabada soo gunaandayay ayaa dhankiisa xusay waxqabadka ururada dhalinyarada iyo doorka ay ka qaataan caawinaada bulshada, ka wasaarad ahaan ay had iyo jeer ku garab taaganyihiin dhiirin gaelin iyo amaan dadaalkooda iyo waxqabadkooda ku kasbadeen.
Inkastoo Baydhabo ay ka jiraan ururo badan oo ka shaqeeya arimaha Bulshada, balse Ururka garab walaal ayaa ah urur inta badan ka shaqeeya waxbarashada iyo caafimaadka, waxaana ku midaysan dhalinyaro xirfado kale duwan ka shaqeeya haba u badnaadaana dhalinyarda caafimaadka oo si iskooda isugu xilqaamay caawinta bulshada jilicsan iyagoo ku tashanaya jeebkooda qaaraan ay iyaga dhexdooda iska aruuriyaan , kaasoo ay ku tabarucaan si ay wax uga qabtaan xaaladaha kala duwan ee soo wajaha bulshada xiliyada qaar.