Baydhabo{WMN}-Cabduqaadir Axmed (Chief Sagaareey) oo waraysi siiyay Idaacadda Warsan ayaa ayaa sheegay in uu jiro wal wal iyo walaac isa soo taraya oo ku aadan magacaabista xilalka sare ee madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed.
Waxaa jira ayuu yiri Af-hayeenka ilo wareedyo sheegaya in uu socdo isku dayo la doonayo in madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed loo magacaabo siyaasi aan u dhalan Koonfur Galbeed, taasoo uu yiri Af-hayeen Chief Sagaareey, waxay markale abuuri kartaa jahwareer siyaasadeed oo majaxaabin kara wadahadalada dib u heshiisiinta hadda socda iyo aaminaadda dadka Koonfur Galbeed ay ku qabi karaan hogaanka.