Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo dhamaystiray xubnihii ka dhinanna golihiisa wasiirada, waxaana lagu dhawaaqay 15 wasiir iyo 25 wasiir ku xigeen oo ka mid noqon doono golaha wasiirada xukuumadda cusub ee madaxweynaha Cabdicasiis laftagareen.
Waxaana magacyada wasiirda iyo wasiir ku xigeenada ku dhawaaqay Af-hayeenka Madaxtooyada KGS Nuuradiin Abuukar Yuusuf Gacma dheere.
Shan iyo Tobanka wasiir ee galinkii danbe maanta lagu dhawaaqay ayaa ka dhigaya tirade guud ee wasiirada Koonfur Galbeed Shan iyo Labaatan wasiir oo marka lagu daro wasiir ku xigeenada oo Iyana gaaraya 25 wasiir ku xigeen, oo isugayntoodo noqonayso 50 wasiir oo tirade haweenka 50 ku jira ay tahay laba haween kaliya oo midi tahay wasiir buuxa halka tankale ay ka tahay wasiir ku xigeen.