Tiyeeglow(WMN)Labo sano iyo bar waxay barkac ay ku yihiin degmada xudur ee xarunta gobolka bakool shacabkii kasoo barakacay degmada tiyeeglow oo 90 KM ujirta degmada xudur kadib markii ay kabaxeen ciidamada DF’ kuwa Kg Iyo ciidamada itoobiya kadibna gacanta ay ku dhigeen kooxda al shabaab.
Sanadihii barkaca ay ku ahayeen degmada xudur ma aysan helin wax gar gaar ah oo kufilan oo ay soo gaarsiyaan dowlada FS iyo maamulka kg iyadoo taasi dhalisay inay ku adkaato mareyna noloshooda waxaana sameyay cuduro kala duwan.
Qaar ka mid ah shacabkii tiyeeglow ee kusugan degmada xudur ayaa sheegay in ay ubahan yihiin in degaankooda dib loogu celiyo waxayna shegeen in waxba aysan uqabanin xildhibaanadii iyo wasiiradii kasoo jedeen degmada tiyeeglow ee gobolka bakool umatalayeen dowlada faderaalka iyo maamulka kg.
Maxamed cabdulaahi xasan (Food Cade) waa gudoomiyaha degmada tiyeeglow hada waxaa uu kusugan yahay magalada baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa uu warbaahinta u xaqiijiyay in kooxda al shabaab dhiwaato weli ay ku heyso dadkii kusoo haray degmada tiyeeglow iyo degaanada katirsan asigoo sidoo kale sheegay in bishii Janaury ee aan soo dhaafnay kooxda al shabaab in dhalinyaro badan ay kasoo afduubteen degaanada katirsan degmadaasi gaar ahaan degaanka ceelgaras.
Dhanka kale gudoomiyaha maamulka degmada tiyeeglow maxamed cabdulaahi ayaa sheegay inay jiraan diyaar garow loogu jiro sidii degmadaasi loogu xurayn lahaa kooxda al shabaab dibna loogu celin lahaa dadka ku dhibaataysan degmada xudur si ay u helaan noloshii hore ee ay ku nolayeen.
W/Q/ Wariye: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)