Xudur(WMN) Saraakiisha ciidamada xooga dalka soomaaliya ee kuwooda kusugan degmada xudur ee xarunta gobolka bakool ayaaย xaqiijiyeen howlgalo ay kafuliyeen degaano ay u dhaxeyaan degmooyinkaย xudur iyoย tiyeeglow oo ay isu jiraan 90 KM iyadoo howlgalkaani si wada jir ah ay ugu qeyb qateen ciidamada xooga dalka iyo kuwa maamulka koonfur galbeed.
Howlgalkaan ayaa sarakiisha uljeedkiisa ku shegeen in degaanada ay udhaxeyaan labadaani degmo in laga safeeyo kooxda al shabaab si gacanta dowlad goboleedka koonfu galbeed losoo galiyo degmada tiyeeglow oo labo sano iyo bar ay maamulaan kooxda al shabaab.
Taliyaha guutada 9 aad ee qeybta 60 aad ciidamada xooga dalka soomaaliyeed gashaanle sare warsamo maxamed diiriye ayaa faafahin kabixiyay howlgalkaani iyo hor joogaha katirsanaa kooxda al shabaabka ee lagu dilay.
W/Q/ Wariye: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)